Dagaal ka qarxay caasimadda S Sudan

South Sudan Lahaanshaha sawirka
Image caption Dad badan ayaa ku barakacay dagaalka South Sudan

Dagaal ayaa ka qarxay xerada ugu weyn ee militeri ee caasimadda South Sudan ee Juba.

Waa isla goobtii uu markii ugu horreysay ka qarxay dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socda tan iyo bishii December ee sanadkii tegay.

Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in dadka degaanka ay billabeen inay ka qaxaan goobtaas.

Dowladda ayaa ilaa haatan ka hadlin dagaalka ka dhacay xerada ugu weyn ee militeriga dalkaas.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka Moses Rono ayaa sheegay in dagaalku dhacay xilli mushaar la siinayay ciidammada militeriga.

Dhowr cutub oo ka tirsan militeriga dalkaas ayaa deggan xeradaas.

Qof ka tirsan degaanka ayaa sheegay in qaac madow uu weli ka soo baxaya xeradaasi militeri.

Labada dhinac ee ku dagaallamaya South Sudan ayaa kala saxiixday heshiis xabadjoojin ah, balse midba midka kale ayuu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabadjoojinta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan