Duqeyn Afghanistan ku dishay 5 askari

Drones
Image caption Diyaaradaha Drones-ka

Diyaarad ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee Droneska ee Maraykanka ayaa si qalad ah 5 askari ugu dishay dalka Afghanistan.

Ciidamada Nato ayaa waxa ay tacsi u direen qoysaskii askartaasi.

Waxay sidoo kalena fureen baaritaan lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Madaxweynaha Afghanistan, Xaamid Karzai, ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay diyaaradaha wax duqeeya oo ay leeyihiin xoogaga shisheeye.

Waxaa uu sheegay in diyaaradahaas ay dilaan oo kaliye dadka shacabka ah.

Karzai waxa uu diiday in uu la saxiixdo heshiis dhanka amaanka ah Mareeykanka kaas oo ogalaanaya in ciidamo yar oo shisheeye ah ay baaqi ku sii ahaadaan dalkaasi.

Ciidammada Maraykanka iyo NATO ayaa la filayaa inay Afghanistan ka baxaan dabayaaqada sanadkan 2014-ka.