Hoggaamiye kooxeed xukun lagu riday

Katanga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Katanga

Garsoorayaasha maxkamada dambiyada ee caalamiga ah ee ICC ayaa dambiyo ka dhan ah aadanaha ku riday nin hogaamiye u ahaa malayshiyaad ka howlgalayay dalka Congo.

Germain Katanga waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay xasuuq 2003-dii dhacay oo ay ku dhinteen 200 oo ruux.

Dadkan ayaa dagganaa tuulo u dhaw meel dahab-ka caan ku ah oo ka tirsan gobolka Ituri ee waqooyi bari Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

Katanga ayaa lagu waayay dambi ah in ku lug lahaa hawen la adoonsaday in loo galmooda daraadeed, kufsi, iyo carruur la askareeyay.

Katanga waxaa maxkamadda Hague gacanta u galiyay dowladda Congo 2007-dii.

Image caption Burbur ballaaran ayaa ka dhashay dagaalka Congo

Waxaa uu diiday dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay.

Dagaalka Ituru waxaa uu billawday 1999-kii, waxa uu socday ilaa 2003-dii, waxaana sabab u ahaa loollan ku salaysan cidda maamulaysa dhulka iyo khayraad-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan