Itoobiya "oo gaaraysa" Jubbooyinka

AMISOM
Image caption Ciidammada Itoobiya ayaa dhowr toddobaad ka hor ku biiray AMISOM

Madaxweynaha maammulka KMG ee Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiyaanka ay gaari doonaan gobollada Jubbooyinka.

Axmed Sheekh Maxamad Islan ayaa arrintan ku dhawaqay mar uu wareysi siinayay BBC-da isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa uu kulan la yeeshay Ra'iisalwasaaraha Itoobiya Xaile Maryam Desalang.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Desalang ay ka wada hadleen ammaanka Soomaaliya, siiba gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku gacanseyray maammulka dhawaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay inuu sharci ka yaalla maammul u samaynta gobollada, oo uu maamulkiisu yahay mid horey loo aqoonsaday.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya maammulkiisa iyo dowladda federaalka.

Mar BBC-du weydiisay sababta dowladda federaalka aan weli looga wareejin dekadda iyo gegida diyaaradaha ee Kismaayo, ayaa Madoobe waxaa uu sheegay in waxyaaba badan ay ka horeeyaan wareejinta dekadda, oo qaarkood ay yihiin kuwa ku salaysan destuurka dalka.

Dowladda Soomaaliya iyo maammulka KMG ee Jubbooyinka ayaa dhowr bilood ka hor heshiis ku gaaray magaalada Addis Ababa, kaas oo soo afjaray khilaaf u dhexeeyay labada dhinac oo ku saabsanaa maammul u samaynta Jubbooyinka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan