Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuska maalinta Haweenka Adduunka

Maanta oo ay tahay 8da Maarso magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay ka qeybgaleen haweenka degmooyinka gobolka banaadir.

Haweenka ayaa soo bandhigay alaabta dhaqanka ,ci,gaadda ka ciyaar ay sameyeen haweenka ku jira ciidamada dowladda iyo ciyaaro kala duwan oo hidaha iyo dhaqanka ah.

Xafladan oo aheyd tii ugu weyneyd tan iyo burbrkii Somalia ee ay haweenku dhigaan ayaa waxaa ay socon doontaa ilaa iyo caawa.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in ay haweenka Soomaaliyeed ay farxad ku dabbaal dagayaan 8da Marso iyada oo sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay u rajeyneyso in ay ku tallaabsan horumar iyo midnimo meel kasta ay joogaan.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta Eng Nadiifa Maxamed Cismaan ayaa sheegtay in aaminsan tahay in haweenka Soomaaliyeed ay horumar dhan walba ah ay sameyneyaan hadii ay yihiin kuwa dalka jooga iyo kuwa dibadda ku nool waxana ay sheegtay in haweenka ay lagama maarmaan tahay in ay sare u qaadaan tacliintooda si ay higsadaan jagooyin sare oo muhiim ah nabad ku soo celinta wadanka Somalia.