Fallaagada Libya oo shidaal dhoofiyay

Libya Lahaanshaha sawirka Reuters

Ra'iisalwasaaraha Libya ayaa ku hanjabay in dalkiisa uu duqeyn doono markab laga leeyahay Woqooyiga Korea oo doonaya inuu shidaal ka dhoofiyo dalka Libya.

Dekadda uu markabkan shidaalka ka dhoofinaya ayaa waxaa maammulo mucaarad hubaysan oo ka soo horjeeda dowladda.

Ra'iisalwasaare Cali Zaydan ayaa sheegay inuu bixiyay amar ah in la xiro shaqaalaha doontaas,

Doontan ayaa maalintii Sabtida ku soo xiratay dekad ay ka taliyaan mucaaradka.

TV ay leeyihiin mucaaradka ayaa laga tusay muuqaalka fallaagada oo dabbaaldegaya.

Mucaaradka ayaa la wareegay saddex dekad iyagoo dalbanaya maammul hoosaad ay gobolladooda yeelato.

Dowladda ayaa falkan ku tilmaantay "howl burcad badeednimo"

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan