Tahriibayaal ku dhintay Yemen

Tahriib Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tahriibayaal Itoobiyaan ah

Mas'uuliyiinta dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 40 ruux oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda kaddib markii ay la qalibantay doontiii ay saarnaayen.

Shilkaasi waxaa uu ka dhacay xeebaha konfureed ee dalka Yemen.

Wasaadaradda difaaca ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Yeman ay bad-baadiyeen 30 ruux oo kale.

Hay'adda Socdaalka ee Adduunka ayaa sheegtay in kumanaan kun oo ruux oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ay u gudbeen dalka Yemen sanad walbo.

Boqolaal ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay dhexda ku dhintaan.

Doontan ayaa ku qalibantay xeebta Bi'ir Cali ee gobolka koonfureed ee Shabwa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan