Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fanaanka Maxamed Suleebaan oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka m
Image caption Maxamed Suleymaan Tubeec.

Allaha u naxariistee fannaankii weynaa ee caanka ahaa Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka, halkaasi oo uu ku xanuunsanayay muddooyinkii dambe.

Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa waxaa uu muddo dheer uu ka mid ahaa fannaaniinta uga caansan Soomaaliya, waxana uu qaatay magaca Boqorka codka.

Fanka waxa uu ku soo biiray sanadkii 1959-kii waxa uuna ku dhashay meel u dhow xarunta gobolka Togdheer ee Burco sanadkii 1941-kii.

Geerida fannaanka ayaa waxa ka tacsiyadeeyay dhammaan fannaaniinta iyo abwaanada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Allaha u naxariistee Maxamed Suleymaan Tubeec waxa uu ifka uga tagey 32 ruux oo isugu jira carruur uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen. Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Marxuum Maxamed Suleymaan oo lagu magacaabo Jamaac Suleymaan ayaa waxa uu noqday heesaa, waxana uu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

Tubeec ayaa heestii ugu horraysay waxa uu qaaday sanadkii 1959-kii isaga oo ku soo caanbaxay heesta caanka ah ee Gufaaco, waxaa si weyn uu ugu soo baxay heesahii xornimo doonka ee lixdanaadkii

Maxamed Suleymaan marka laga reebo in uu ahaa fannaan cod macaan, waxaaa uu ahaa fannaan sameeya laxanka heesaha.