Taageerada caalamka ee AMISOM

Nicholas Kay Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee QM in ciidamada AMISOM ay qaadeen howlgalkii ugu ballaarnaa tan iyo markii AMISOM la geeyey Soomaliya 10 sano ka hor.

Waxa uu ka codsaday beesha caalamka in ay taageero u fidiso howlgalkan oo ciidamada qaranka Soomaliya ay qeyb ka yihiin.

4,000 oo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhawaan ku biiray AMSIOM, taasoo ka dhigtay tirada guud ee ciidamada 22,000 kun oo askari.

Kaalmo

Howlgalkan waxa uu billawday bishii hore waxaana Al-shabaab looga saaray magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan koofur galbeed Soomaliya.

QM ayaa howlgalkan waxa ay ka caawineysa dhinaca saanadda raashinka, shidaalka iyo biyaha.

Danjire Kay ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay dadaal ugu jirto soo celinta nabadda dalka hase yeeshee, ay haystaan caqabado dhinaca dhaqaalaha ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan