Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxamed Saleebaan Tubeec

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed, abwaanada, fanaaniinta iyo siyaasiyiin Soomaali ah, ayaa ka tacsiyeynaya geeridii fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Suleebaan Tubeec, oo allaha u naxariistee shalay subax ku geeriyooday Jarmalka.

Waxaana masuuliyiintaasi ay ammaaneen kaalintii uu ka soo qaatay fanka Soomaalida.

Magaalada Muqdisho waxaa isna ku geeriyooday shalay allaha u naxariistee fanaan kale, oo ka mid ahaa fanaaniintii mudada dheer ku soo jiray uguna caansanaa fanka banaaridiga, Iikar Leeb.

Wariyaha BBC Moallimu, ayaa Muqdisho ku wareystay fanaaniin iyo abwaanno aad u yiqiinay marxuum Mohamed Suleebaan Tubeec.