Dibadbaxyo lagu baaqay Turkiga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qof lulaya calanka Turkiga oo muddaharaad ka qayb qaadanaya.

Uruurka weynaha shaqaalaha dalka Turkiga ayaa ku baaqay dibadbaxyo iyo shaqo joojin ka dhaqangala guud ahaan dalka oo dhan maanta arbaca ah.

Dibadbaxyadani iyo shaqo joojintaan ayaa ku soo beegmaya aaska wiil dhowr iyo toban jir ah oo u geeriyooday dhawaacyo sanadkii hore ka soo gaaray dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.

Geerida wiilkani 15 sano jirka ahaa oo lagu magacaabi jiray Berkin Elvan ayaa waxaa shalay oo talaada ahayd ka dhashay dibadbaxyo hor leh oo ka dhacay qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi.

Magaalooyinka Ankara iyo Istaanbuul, ciidamada booliska ayaa adeegsaday biyo iyo suntan dadka ilmada ka keenta si ay u kala diraan dad dibadbaxyo dhigayay.

Berkin Elvan ayaa kooma ku jiray sagaalkii bilood ee la soo dhaafay kaddib markii ay madaxa ugu dhacday gashaca suntan dadka ilmada ka keenta oo tuurya ah xilli uu rooti soo iibsanayay.

Meydka wiilkani ayaa la dhigay goob la barakeysto oo ku taala Magaalada Istaanbuul, halkaasi oo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ka qeyb galaya tacsiyadiisa.