Weerarka AMISOM "waa mid ballaaran"

AMISOM
Image caption AMISOM

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa sheegay in weerarka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka ka socda uu yahay kan ugu ballaaran oona ugu muhimsan.

Nicholas Kay waxaa uu sheegay in weerarkan uu ka dhacaya dhul Juqraafi ahaan aad u ballaaran.

Kumanaan askari oo ka tirsan AMISOM, oo ay qeyb ka yihiin ciidammada Itoobiya, ayaa ku fiday dhul ballaaran oo ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Shan magaalo ayay ilaa haatan si fudud ku qabsadeen.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Godane ayaa sheegay inay is ka celin doonaan "duullaanka Itoobiya," oo uu sheegay inay dalka dib ugu soo duuleen iyagoo adeegsanaya magaca AMISOM.

Al-Shabaab ayaa ka baxay Muqdisho bartamihii sanadkii 2011-ka, balse waxay ilaa haatan ka fuliyaan weerarro ka dhan ah xarumaha dowladda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan