Natiijada horyaalka Ingiriiska Sabtidan

Manchester City team
Image caption Kooxda Manchester City way badisay

Tartanka kubbadda cagta ee horyaalka Ingiriiska oo maraya meel aad u xiisa badan, waxaa Sabtidan guul la hoyday kooxaha Manchester City, Everton, Fulham, Southampton, Stoke iyo West Brom.

Waxaa hadda hoggaanka u haysa kooxda Chelsea hase ahaatee aad ayaa la isugu dheggan yahay, waxaana ciribta ku hayaan kooxaha Manchester City, Liverpool, Arsenal.

Ciyaarihii Sabtida dhacay sidatan ayaa loo kala badiyay:

Hull City 0-2 Manchester City

Everton 2-1 Cardif

Fulham 1-0 Newcastle

Southampton 4-2 Norwich

Stoke 3-1 West Ham

Sunderland 0-0 Crystal Palace

Swansea 1-2 West Brom