Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wafdi Somaliland oo Laasqoray booqday

Lahaanshaha sawirka
Image caption Mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaa uu saaka booqasho ku tegay magaalada xeebta ku taal ee Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Taariikhda waa markii ugu horreysay ee madaxweyne ka socda Somaliland uu tago deegaankaasi oo ay ku murmaan Somaliland iyo puntland.

Weriyahayaga magaalada Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa nooga warramay sidii ay booqashadu u dhacday.