Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhoofka lo'da Soomaalida ee Berbera

Image caption Lo'da Soomaalida

Dekedda magaalada Berbera waxaa dhawaan dib looga bilaabay dhoofinta lo'ada Soomaalida ee loo iib geeyo Sacuudi carabiya kadib xayiraad muddo dheer saarneyd oo la qaaday.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa tegay Berbera, waxa uuna booqday maxjarka caafimaadka lo'ada lagu baadho iyo dekedda isla markaana la hadlay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee lo'da bilaabay inay u dhoofiyaan sayladda weyn ee sacuudi carabiya ee magaalada Jiddah.