Abbaanduule lagu dilay Buulobarde

Muqdisho Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah dowladda toddobaadyadii la soo dhaafay

Ugu yaraan 20 ruux oo uu ka mid yahay abbaanduulihii ciidanka dowladda ee Hiiraan ayaa ku dhintay qarax iyo dagaal ka dhacay Buulobarde.

Dagaalka ayaa ku billowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray hotelka Camaloow oo ay daganaayeen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxa kaddib waxaa billowday dagaal toos ah oo la isu adeegsaday hub culus.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah abbaanduulihii ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan Col Maxamed Amiin.

Weriyaha BBC ee Muqdisho ayaa sheegay in is-gaarsiinta Buulobarde iyo tan Beledweyne ay labaduba hawada ka maqan yihiin.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lix dagaalyahan lagu dilay goobtaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan