Taliye Islaami ah oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Doku Umarov

Doku Umarov ayaa sheegtay mas’uuliyadda inta badan weeraradii ay kooxaha Islaamiyiinta ah ka fuliyeen gudaha dalka Ruushka, dhowrkii sano ee ugu dambeeyay.

Waxaa weeraradaasi ka mid ahaa bambaano lagu qarxiyay sanadkii 2009-ka tareenka xawaaraha dheereeya ku socda ee Nevsky Express, weerar kale oo sanadkii 2010-ka lagu qaaday xarun tareenka dhulka hoostiisa mara oo Moscow ku taalla, iyo weliba weerar sanadkii 2011-ka ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Domodedovo, kaasi oo ay ku dhinteen 37 qof.

Umarov ayaa ahaa hoggaamiyaha jabhad Islaami ah oo la magac baxday "Caucasus Emirate" oo ka dagaalamaysa waqooyiga gobolka Caucasus ee Ruushka tan iyo sanadkii 2006-ka.

Bishii July ee lasoo dhaafayna, Umarov ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay carqaladeeyaan ciyaarihii Olympic-kada qaboobaha ee dhawaan ka dhacay magaalada Sochi, kuwaasi oo si ammaan ah ku dhamaaday.

Umarov oo ay dowladda Ruushka madaxiisa dul dhigtay 5 milyan oo dollar, ayaa 7 jareer oo hore la shaaciyay in uu geeriyooday.

Ila wareedyo ku dhow Madaxweynaha gobolka Chechniya, Ramzan Kadyrov, ayaa u xaqiijiyay BBC-da qeybteeda la hadasha Ruushka, in Umarov uu mootan yahay intii muddo ahba.

Warka xaqiijiniya dhimashadiisana waxaa markan shaacisay bar internet-ka ah, oo xiriir la leh dagaalyahannada Islaamiga ah ee Ruushka ka dagaalama.