Muuqaalka "burbur" diyaarad oo la baarayo

Diyaaradda la la'yahay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Diyaaradda la la'yahay

Ra'iisalwsasaaraha Australia ayaa sheegay in waxyaabo loo malaynayo inay qeyb ka yihiin diyaaradda 13-ka maalmood la la'yahay la arkay.

Tony Abbott ayaa sheegay in dayax gacmeed lagu arkay oona lagu aqoonsaday waxyaabahaas.

Baarlamaanka dalkaas ayuu u sheegay in diyaarad loo diray si ay u gaarto goobtaas.

Australia ayaa qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda dhowr iyo tobanka maalmood maqan.

Diyaaradda la la'yahay ee Malaysia laga lahaa ayaa luntay kadiib markii ay ka soo dhaqaaqday Kuala Lumpur oo ay ku socotay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Ugu yaraan 26 dal ayaa qeyb ka ah baaritaanka lagu baadigoobaya diyaaradda.

Hasa ahaatee, Abbott waxaa uu ka digay inay adagtahay in la soo helo waxyaabahaas, amaba ay noqdaan kuwa aan xirir la lahayn diyaaradda maqan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan