Somaliland: Wasiirro dhaawacmay

Siilaanyo Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Kolonyo baabuur oo madaxweynaha watay ayaa shil gashay

Labo wasiir ayuu dhaawac ka soo gaaray shil baabuur oo ay galeen kolanyada gaadiidka wafdigii madaxweynaha Somaliland.

Labada wasiir waa wasiirka wasaaradda caafimaadka Saleebaan Ciise Xagla-toosiye iyo wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir cukuse.

Labadooda baabuur ayaa ka mid ahaa kolanyada gaadiidka wafdigii madaxweynaha Somaliland oo marayay saaka wadada u dhexeysa magaalooyinka Sheekh iyo Berbera.

Waxaa kaloo geeriyooday nin Caaqil ahaa oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Cigaal oo ka mid ahaa dadkii soo dhoweynaayay madaxweynaha oo gaadhigiisii kula qalibmay isla wadadaasi .

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdillahi Maxamed Daahir cukuse oo aan telefoonka kula hadlay wuxuu sheegay in isaga iyo wasiirka caafimaadka Saleemaan Xagla-toosiye labadooduba fiicanyihiin oo lagu daweynaayo isbitaalka guud ee Berbera .

Wafdiga madaxweyne Siilaanyo waxay tobankii maalmood ee ugu danbeeysay marayeen gobollada somaliland qaarkood, iyagoo saaka ka soo kicitimay magaalada Burco oo laba habeen ay ku dhaxeen .

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan