Ukraine: Taliye militeri oo la daayay

Militeriga Ruushka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Militeriga Ruushka

Taliyaha ciidammada badda ee Ukraine ee ku xirnaa Crimea ayaa haatan la sii daayay.

Madaxa ammaanka ee Ukriane ayaa goor sii horraysay sheegay in dowladdiisu qorsheyneyso in ay ciidamadeeda iyo shacabkeeda kala baxdo gobolka Crimea.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidammo taageersan Ruushka ay la wareegeen xero ay lahaayeen ciidammada badda ee Ukraine.

Dowladda Ukraine ayaa ugu baaqday Ruushka inay soo daayaan taliyihii xeradaas oo ay sheegeen in la xiray.

Gobolka Crimea ayaa ku biiray Ruushka kaddib markii afti laga qabtay halkaas.

Maraykanka iyo Europe ayaa ku gacansayray tallaabada uu gobolkaas ugu biiray Ruushka.

Waxay ka digeen inay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan Ruushka haddi uu baddeli waayo siyaasaddiisa ku aadan Crimea.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan