Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoryooley oo Shabaab laga qabsaday

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa maanta la wareegay magaalada Qoryooley oo shantii sano ee la soo dhaafay gacanta ugu jirtay xarakada Shabaab.

Wariyaha BBC-da Maxammed Ibraahim Mucallimu oo magaalda Qoryooley jooga ayaa soo sheegay in dagaalka oo socday dhowr saacadood uu aad u cuslaa.

Ciidamada AMISOM oo u badan kuwa Uganda, ayaa waxaa taageerayey taangiyo iyo diyaaradaha wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn.

Rayid qaxayo

Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya Gen. Cabdrisaaq Khaliif ayaa BBC-da u sheegay in hal askari uu kaga dhintay shan kalana ay kaga dhaawacmeen dagaalka, balse weriyaha BBC-da Mucallimu ayaa sheegay in uu arkay dhaawaca illaa toban askeri oo ka tirsan AMISOM iyo ciidamada dawladda.

Dad badan oo rayid ah ayaa ku wax yeeloobay dagaalka. Goob-jooge ayaa BBC-da u sheegay in qoys ka koobnaa 4 qof ay hooyadii oo kali ah ka badbaaday kadib markii uu madfac ku dhacay gurigoodii.

Dadka rayidka ayaa ka qaxay magaaldaasi, oo 90 KM dhinaca koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.