Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoryooley oo deggan

Dagaal goos-goos ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Qoryooley ee koofurta dalka Soomaaliya, halkaas oo shalay ay galeen ciidammo ka socda Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, si ay ugala wareegaan dagaalyahannada xarakada Al Shabaab oo magaaladaas gacanta ku hayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Qoryooley waxaan ka wareysanay C/qaadir Maxammed Nuur oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose.

Weriyaha BBC-da Maxammed Ibraahim Mucallimuu, oo Qoryooley ku sugan ayaa wareystay guddoomiyaha.