Lagama "badbaadin" diyaaradda maqan

Malaysia Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Waxaa socda baadigobka diyaaradda maqan ee Malaysia

Ehelladii diyaaradda Malaysia ee la la'yahay ayaa loo sheegay in diyaaraddii ay luntay oo inta badan aysan haatan jirin "dad ka badbaaday"

Ra'iisalwasaaraha Malaysia Najib Razaq ayaa sheegay in warkaas la garsiiyay dhamaan ehelladii dadkii saarnaa diyaaradda maqan.

Diyaaradda Malaysia ayaa la waayay kaddib markii ay ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur, caasimadda Malaysia.

Waxay ku socotay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Warkan ayaa ku soo beegmay iyadoo maalintii shanaad diyaaradda laga raadinayo koonfurta badweynta Hindiya, kaddib markii la arkay wax u muuqday burburkii diyaaradeed.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan