Nigeria: Tacaddiyo ka dhan ah rayidka

nigeria
Image caption Militariga Nigeria oo baacsanaya maleeshiyada Boko Haram

Haweeney 23 jir ah ayaa BBC-da u sheegtay in ay aragtay ugu yaraan 50 qof oo rayid ah oo ay horteeda ku dileen dagaalyahanada kooxda Boko Haram.

Arrintan ayaa dhowr bilood ka hor waxa ay ka dhacday xero ku taal cirifka shishe ee waqooyi bari ee dalka Nigeria.

Haweeneyda ayaa sheegtay in inta badan dhibanayaasha la gawracay.

Haweeney labaad, oo dhalinyaro ah, ayaa sheegtay in maleeshiyada ay isku dayeen in ay ku qasbaan in ay disho qof la xirnaa.

Labada haweenba waxaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan saldhigyada Boko Haram, haatanna waxa ay ku nool yihiin dhuumaalaysi.

Midkood ayaa sheegtay in ciidamada fallaagada ay caadiyan helaan xogta markasta oo ay weerar soo qaadi rabaan militariga Nigeria, taasoo u ogolaato in ay ku dhuuntaan godad iyo keymo ku dhow xuduudda Cameroon.

Ciidammada Nigeria ayaa sheegay in haatan ay ku ugaarsanayaan dagaalyahanada Boko Haram dhul aad u ballaaran.

Maleeshiyada Islaamiga ah ayaa sii wada weerrarada ay ku qaado magaalooyin iyo tuulooyin ay ka jiraan dareen cabsi leh - in ka badan 500 oo qof oo rayid ah ayaa la dilay toddobaadyadii ugu horeeyay ee sannadkan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan