Adeeg qaboojiye oo lagu soo kordhiyay dekedda Berbera

berbera
Image caption Xeebta magaalada Berbera oo ay ku dabaalanayaan dad

Berbera inkastoo ay ku taallo bad uu kalluun ka buuxo, haddana ka faa'iideysiga kheyraadka baddu waa uu hooseeyaa.

Dekedda yar ee kalluumeysatada ayaan tegay intii aan shaqada u joogay magaalada Berbera waxaan kula kulmay kalluumeysato aan badneyn oo doonyo yar-yar kalluunka ku soo jillaabta.

Bashiir Ibraahim oo ka mid ah kalluumeysatada ayaa ii sheegay in sharikadooda Gamuur lagu magacaabo ay lix doonyood ugu jiraan badda oo kalluunka soo qabta.

Wuxuu ii sheegay inuu todobaad ku maqnaa badda u dhaxeysa Berbera ilaa Maydh oo 300km u jirta Berbera xagga bariga isagoo soo qabsaday ilaa 700kg oo kalluun ah.

Doonyaha badanaa ku jira badda waa nooca Volvo oo tiiba qaaddo 1800kg oo kalluun ah.

Kalluunka marka badda laga keeno waxaa loo soo iib geeyaa huteellada waaweyn ee Hargeysa, Burco iyo Boorama.

Waxaan arkay dumar ka ganacsanaya kalluunka oo shiilaya oo suuqyada Berbera ku iibinaya sida Khadiija Cilmi oo ii sheegtay in ilaa 30 dumar ahi sii iibiyaan kalluunka isagoo shiilan.

Kalluunku wuxuu u baahanyahay meel lagu qaboojiyo, hadda ayaa ganacsato uu ka mid yahay Cabdalle Faarax Xarbi ay dib u dayactir ku wadaan qaboojiyayaal waaweyn oo dawladii hore ee Soomaaliya samaysay laakiinse burburay.

Cabdalle Faarax Xarbi wuxuu ii sheegay marka ay hagaajiyaan qaboojiyaashan ay qaadayaan kalluun dhan ilaa 120 tan oo dibedda loo iibgeyn karo.

Arrin kaloo horumar ah ayaan ku arkay dekedda weyn ee Berbera oo ah konteenaro qaboojiyaal ah oo dhoofinta kalluunka iyo hilibka loogu talo galay oo markii ugu horreysay lagu soo kordhiyay dekedda.

Maareeyaha dekeda Berbera Eng; Cali Xoor-xoor ayaa ii sheegay in konteenerkiiba qaad karo ilaa 30 tan oo kalluun ah.