Baaridda diyaaradda oo la hakiyay

Australia Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Waxaa la hakiyay baaritaankii diyaaradda hawada oo xun awgeed

Mas'uuliyiinta Australia ayaa sheegay in la hakiyay baaritaanka diyaaradda la la'yahay ee Malaysia hawada oo xun darteed.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in dabaylo xoog badan iyo roobab lixaad leh ay goobtaas ka dhigeen mid aysan diyaaradaha ku duuli karin.

Ra'iisalwasaaraha Malaysia Najib Razaq ayaa sheegay in diyaaraddii ay ku dambaysay koonfurta badweynta Hindiya.

Ehellada dadkii saarnaa ayaa la sheegay inay muujiyeen siday uga caroodeen ama ay uga naxeen wararkan ugu dambeeyay.

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha warbixin ay soo saareen ehellada dadkii saarnaa diyaaradda ayay dowladda Malaysia ugu eedeeyeen inay si ula kac u qariyeen wararka la xiriira diyaaradda.

Inta badan dadka saarnaa diyaaradda ayaa ka soo jeeday dalka Shiinaha.

Shiinaha ayaa Malaysia ka codsaday inuu soo bandhigo caddeymo muujinaya in diyaaradda ay ku dhacday koonfurta badweynta Hindiya.

Ra'iisalwasaaraha Malaysia ayaa maalin ka hor sheegay in aysan inta badan jirin dad loo malaynayo inay ka badbaadeen diyaaradda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan