Ciidammo ku socda Ceelbuur

Qoryooley
Image caption Dadka ayaa ka qaxay Qoryooley kaddib markii ay AMISOM qabsadeen

Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda ayaa qabsaday degaanno ku yaalla bartamaha Soomaaliya iyagoo la sheegayo inay ku sii socdaan magaalada Ceelbuur.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidammadu ay saakay la wareegeen Degmada Maxaas.

Waxaa kale oo ay qabsadeen degaanka Xiindheere, iyagoo wax yar haatan u jira degaanka Ceelqooxle.

Dhinaca kalena waxaa deggan magaalada Qoryooley oo dhwor maalmood ka hor ay qabsadeen ciidammada Midowga Afrika.

Waxaa la sheegayaa in halkaas ay dadka ka qaxayaan, iyagoo ka cabsi qabo in dagaallo ay ka soo cusboonaadaan.

Image caption Qax ayaa ka dhashay weerarrada AMISOM

Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay magaalooyin badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Balse waxay ku sugan yihiin degaanno ka ag dhaw magaalooyinka ay ka baxaan, halkaas oo ay weerarro ka soo qaadaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan