Macallimiin shaqada joojiyay Britain

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Macallimiinta UK oo shaqo joojin sameeyay

Kumannaan arday ah ayaa ka joogay waxbarashadooda, kaddib markii ay macalimiinta dusgiyada England iyo gobolka Wales ee Britain ay shaqa joojin billaabeen.

Waxay doonayaan in loo kordhiyo mushaaraadka iyo lacagaha howlgabka markay noqdaan la siiyo.

Xubnaha ururka qaran ee midowga macalimiinta (NUT) ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen markii ay waayeen waddo kale oo u bannaan.

Balse waaxda waxbarashada ayaa ku eedeynaysa ururka NUT in uu qalqal gelinayo noolasha waalidiinta iyo waxbarashada ardayda.

Boqolkiiba 92 macalimiinta ku jira ururka NUT ayaa doorasho ay qabteen bishii May ee 2011 iyo bishoo June 2012, waxaa ay u codeeyeen in la sameeyo shaqo joojinta.

NUT ayaa waxaa xubin ka ah tiro kor u dhaafayso 300,000 oo macalin, kuwaasi oo ka howlgala England iyo Wales.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan