AMISOM oo la wareegtay Ceelbuur

  • 27 Maarso 2014
Barakac
Barakac ayaa ka dhashay dullaanka AMISOM ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa qabsaday magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Magaalada ceelbuur ayaa ka mid ahayd magaalooyinka muhiimka ah ee weli ku harsanayd gacanta ururka Al-Shabaab.

Cidammada AMISOM ayaa beryahan duullaan ku ahaa Ceelbuur iyo degaannada kale ee gacanta Al-Shabaab weli ku harsan.

Ciidamadu ayaa haatan ku sugan gudaha Ceelbuur kaddib dhowr maalmood oo uu dagaal ka socday agagaarka magaaladaas.

Al-Shabaab ayaa horey looga qabsaday tuulooyinka Ceel la helay, iyo Ceelqooxle.

Ceelbuur ayaa noqonaysa magaaladii tobonaad ee laga qabsado Al-Shabaab tan iyo markii uu billawday howlgalka ay AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya ka billaabeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan