Baydhabo oo madaxweyne kale la doortay

Baydhabo Lahaanshaha sawirka b
Image caption BaBaydhabo waxaa lagu qabtay shirar iska soo horjeeda

Shirkii labaad ee ka socday ayaa lagu doortay madaxweynaha saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Maxamad Xaaji Cabdinur Madeer ayaa loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maammul goboleedkaas.

Waa Marayka ka soo laabtay oo dhinaca hooyada walaalo ka yihiin xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Adan.

Sharif Xasan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa maskaxda ka damaysay shirka lagu dhisayo maammulka saddexda gobol.

Dibedbaxyo looga soo horjeeda Sharif Xasan iyo maammulka saddexda gobol ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday Baydhabo.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa isla magaaladaas madaxweyne loogu doortay Madobe Nunow.

Maammulka Madobe Nunow ayaa sheegay inuu maammulo lix gobol, oo ay ka mid yihiin saddex haatan hoos tago maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan