Diyaaradda maqan: Burbur kale oo la arkay

Diyaaradda maqan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burbur hor leh ayaa la arkay

Kadib markii baadigoobka diyaaraddii la waayay loo weeciyay aagag cusub, waxaa soo muuqday Burbur aan weli la xaqiijinin oo loo malaynayo haraagii diyaaradda la la'yahay ee Malaysia.

Shaqaalaha saaran diyaarad Militeri oo New zealand laga leeyahay oo hawlgalka ka qaybqaadanaysa ayaa sheegay inay arkeen cadad dulsabbaynayo koonfurta badweynta Hindiya oo waqooyiga ka xigta magaalada Perth.

Goobtan ayaa 1, 100 kilo mitir woqooyi ka xigta goobihii hore ee baadigoobka ka socday.

Waxaa warkaas lagu xaqiijin karaa oo kaliye haddii markab uu halkaas gaaro, taas oo aan dhici karin tan iyo maalinta berri ah.

Meelihii baaritaannada lagu bartilmaameedsanayay ayaa la baddalay kadib markii baarayaashu sheegeen in diyaraddu ku socotay xawaare ka badin kii ay filayeen.

Sidaas daraadeedna uu shidaalku ka dhamaaday intii loo qorsheeyay inay socon karto ka hor.

Waxaay ku dhawdahay saddex toddobaad inta la'layahay diyaaradaasi oo ay sarnaayeen 239.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan