Obama oo gaaray Sacuudiga

Obama Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Obama iyo boqor Cabdallah

Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho ku tagay Sacuudi Carabiya.

Waxaa la filayaa inuu booqashadaas ku xaqiijiyo ahmiyada uu sacuudigu u leeyahay Maraykanka.

Sacuudigu waa rafiiqa ugu muhiimsan Washington marka laga hadlayo dunida Carabta.

Booqashadan waxay imaanaysaa iyada oo uu sii xumaanayay xiriirka labada dal bilihii ugu dambeeyay.

Weriyaha BBC-da ee dhanka amaanka waxaa uu leeyahay mugdiga soo kala dhexgalay labada dal waxaa uu gaaray meeshii ugu sarraysay mudo toban sano ah.

Sacuudigu waxaa uu dhowr jeer dhaliilay siyaasadda maraykanka ee Bariga dhexe, iyada oo waxyaabaha ay ku eedeeyeen ay ka mid tahay in Maraykanku uusan tallaabbo militeri ka qaadin madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Sacuudigu waxaa kale oo uu ka shakisan yahay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran, iyo siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Masar.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan