Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kulan Uhuru iyo jaaliyadda Soomaalida Kenya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Shir muhiim ahaa oo xalay ka dhacay madaxtooyada Nairobi ayaa madaxweynaha kenya iyo ku xigeenkiisu waxay la shireen hoggaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida ee xaafadda Eastleigh iyo ganacsatada.

Kulanka oo ku dhacay jawi wanaagsan oo kaftan iyo si dhab ah wax la isugu sheegay waxaa xoogga lagu saaray ammaanka waddanka Kenya.

Xildhibaan Yusuf Xasan oo ah mudanaha laga soo doorto degmada Kamakunji oo Eastleigh ay ka tirsan tahay oo joogay shirkii madaxtooyada ayaa weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxmaan uga warramay ahmiyadda shirkaas Soomaalida iyo madaxweyne Kenyatta dhexmaray.