Ukraine: Xal diblomaasi oo muuqda

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Putin iyo Obama

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa telefoonka kula xiriiray dhigiisa Maraykanka, Barack Obama, si ay uga wada hadlaan qaab diblomaasiyadeed oo xal loogu heli karo xiisadda ka taagan wadanka Ukraine.

Mr Obama ayaa soo jeediyay in Ruushka uu soo diyaariyo qoraal ku aadan sida ay la tahay in xaaladda wax looga qaban karo.

Waxaa uu Obama intaa ku daray in Ruushka uu ciidamadiisa kala baxo gobolka Crimea, isla markaana uusan gelin bariga Ukraine.

Putin ayaa dhankiisa u sheegay Obama in koox xagjir ah oo ka howlgasha Ukraine ay dhibaato ku hayaan muwaadiniinta Ruushka ah ee Ukraine ku nool.

Dhanka kale, gaashaanbuurta NATO ayaa walaac ka muujisay ciidammada faraha badan ee uu Ruushka geeyay soohdinta uu la wadaago Ukraine.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan