Dad ka badan 600 oo loo xiray qaraxa Isli

Lahaanshaha sawirka Reuters

Boliiska ayaa howlgal amni oo uu ka sameeyay xaafadda Islii waxay ku soo xireen ugu yaraan 600 ruux.

Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhimatay shan iyo labaatan kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo saddex ah oo xalay fiidkii ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Qaraxyada ayaa lala beegsaday goob wadadda geeskeeda ah oo ay haween ku iibiyaan cunto, iyo laba maqaayadooda oo ku yaalla agagaarka wadada 12-aad ee Islii.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howlgalku uu socon doono inta laga qabanayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

Balse dadka deggan Islii qaarkood oo aan la xiriiray waxay sheegayaan in boliisku ay lacago uruursanayaan halka ay amaanka sugi lahaayeen.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa mid ka mid ah maqaayadaha, sida uu sheegay madaxa ciidamada ammaanka ee Nairobi, Benson Kibue.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxyadaasi is xig xigay.

Qaraxii kuwan ka horreeyay ayaa waxaa uu Axadii ka dhacay xaafadda Pangani oo aan sidaa uga fogeyn xaafadda Islii, booliskana waxa ay sheegeen in uu ku dhintay qaraxaasi qof isku xir xirayay walxaha qarxa.

Faafaahin dheeraad ah waxaad ku maqli doontaan idaacaddeena subaxnimo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan