Kerry oo dib ugu laabtay Bariga Dhexe

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption John Kerry

Mr Kerry ayaa isku dayaya in uu ku guuleysto ku qancinta Israil iyo Falastiiniyiinta in ay sii wadaan wadahadalka u dhexeeya.

Caqabada hadda wadahadalka hortaagan ayaa ah sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israil u xiran.

Israil ayaa ku guuldareysatay in ay xabsiyadeeda ka sii deyso toboneeyo maxaabiis ah, oo ay horray u ballanqaaday sii deyntooda.

Warar laga soo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah, ayaa sheegaya in Maraykanka iyo Israil ay ka wadaxaajoonayaan, sii deynta jaajuus Israil u dhashay oo lagu magacaabo Jonathan Pollard, balse aan weli wax go’aan ah arrintaasi laga gaarin.

Mr Pollard ayaa xukun madaxaa haku furto ah ku qaadanaya xabsi ku yaalla Maraykanka.