NATO oo ka shirayso Ukraine

NATO Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption NATO ayaa ka shirayso waxay ka yeeli lahayd Ruushka

NATO ayaa sheegtay in Ruushka aanay ciidankooda kala bixin xadka uu dalkaas la wadaago Ukraine.

Horey ayuu madaxweynaha Ruushku Vladamir Putin u sheegay inuu yarayn doono ciidanka ka joogo xadka Ukraine.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee NATO ayaa ka shiraya siday u caawin lahaayeen Ukraine kaddib markii uu Ruushku la wareegay gobolka Crimea.

Wasiirrada 28-da dal oo ku bahoobay NATO ayaa shiraya markii ugu horreysay tan iyo markii Ruushka la wareegay gobolka Crimea.

Ruushka ayaa la sheegayaa in dhowr kun oo ciidan uu dhigay xadka u dhexeeyo Ukraine yo Ruushka.

Ruushka iyo reer galbeedka ayaa si weyn isugu khilaafay dhibaatada ka taagan Ukraine.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa taageeray dibedbaxyadii xukunka looga tuuray madaxweynihii Ruushka u janjeeray ee Viktor Yanukovych.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan