Dadweynaha siday u arkaan xoriyyadda?

BBC Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Dhagayste

Dhagaystayaasha BBC Somali kala xiriira barta bulshada ee Facebook ayaa fikrada kala duwan ka qabo xornimada.

Cabdikhaliq Cabdisalan Caanabore: Xornimadu waa is ixtiraam iyo is xushmayn xurnimada la’aanteedna waxay sababi kartaa in qofku maskax ahaan u xanuunsado ama naftiisa dhibaateeyo, hadaba waxaan xornima la’aanta uga hortagi karnaa diinta islaamka oo lagu dhaqmo

Datu Hussein Magacaygu wa Mowlid Ayjeex(Dato): Waxaan ku noolahay dalka Malaysia. Xornimadu waa in qofka bani'aadamka ahi leeyahay hiigsasho iyo hanasho horumarineed naftisa dadkisa iyo dalkisaba, anay jirin wax caqabad ah oo ka hortaagan horumarinta.

Shukri Abdinur: Asc, magacaygu waa Shukri Abdinur oo jogta Galkacyo Puntland waxan orankara xorinimo waxa keni kara shacabko isku duban gacmo wada jirbay waxku goyan

Mohamed Macalin: Asc bahda BBC xornimadu waxay ku jirtaa ku dhaqanka diinta islaaaamka

Cabdirahman Mohamed Ibnu Fuluse: Xornimadu waa shay qaali ah una baahan in la ilaaliyo xornimo la'aan wa gumaysi, gumaystana waa cadibaad iyo xornimo la'aan bbc mahad sanidiin

Maxamed Muse Galeydh: Fakarkayga xornimo waa waxa Axmed Guray u halgamayay waa waxa daraawiishtii u halgamaysay waa waxa M Siyaad Bare u halgamayay

Pro Ahmed Mahamed Cade: Xornimadu waa in qofka wuxa uu doono sameyn karaa, shaqsi ahaan waxay u fiicantahay inuu qofku xor noqdo, waxaa la gudboon kara inuu haligo naftiisa

Farhaan Kismaayo: Xornimadu waa shey uu ku farxo inta nafley ah teeda kale haddii aysan xornimo jirin ma jiri karto cadaalad sinaan iyo nolol farxadeysan.

Abdrahman Tohow Cabdiraxmaan Yuusuf oo Muqdishu jooga: Xoriyadda waa in aan samaysato wax ku anfacaya adduunkaaga iyo aakhiradaada adoo lagu qasbsanayn

Kamiila Mo waa Caisha oo jogta Garowe, Puntland: Adduunka xoriyad mudlaq ah kama jirto waayo waxa jira hadad Muslim tahay waxyaalo ka hor istaagaya hawada nafta haddii kalena dhaqan ama caado... hadanse qexo wa inad ku noolato si madax banaan