Dhulgariir ku dhuftay Chile

Lahaanshaha sawirka Getty

Kumannaan qof oo u dhashay wadanka Chile ayaa guryahooda ka barakacay, kaddib markii xeebaha koonfureed ee dalkaasi uu ku dhuftay dhulgariir cabirkiisu yahay 8.2 oo dheliyay duufaanno sunami ah.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay 5 qof ku dhinteen dhulgariirka.

Waxaa la xiray wadooyinka ka baxa magaaladda Iquique oo u dhow goobta uu kasoo askumay dhulgariirka, dadkuna waxa ay ka fogaanayaan dhulka uu joogiisu hooseeyo.

Mawjado biyo ah ayaa bilaabay in ay ku dhuftaan Koonfurta Chile.

Deegaannada ku dhow magaalooyinka Iquique iyo Arica ee ku yaalla xeebta Koonfureed ee Chile, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dhul xuran aan sidaa u weyneyn, dadkuna waa ay isu diyaariyeen dhulgariirka xalay ku dhuftay.

Dadka Reer Chile ayaa weli xasuusta dhulgariirkii iyo sunaamidii dalkooda ku dhuftay sanadkii 2010-ka, kuwaas oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan