Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi Kullanka Yurub iyo Afrika

Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Midowga Yurub ayaa maanta shir-madaxeed uga furmayaa magaalada Brussels kaas oo lagaga wada xaajoonayo dhibaatooyinka caalamka ka taagan oo ay ugu horreeyaan dagaallada ka soconaya dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika iyo sidoo kale colaadaha, dadka sida sharci darrada ah u tahriibaya iyo cabsida laga qabo kooxaha jihaaddoonka ah.

Haddaba, waxaa noo suurta gashay inaan ajendaha shirkan ka waraysanno danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Brussels, Cali Saciid Fiqi. Waxa uu u waramay Axmed Cabdinuur.