Kullanka madaxda Afrika iyo Yurub

Xiisadda ka aloosan Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa lagu wadaa in ay hareyso shirka maanta magaalada Brussels uga furmaya madaxda 80 waddan oo Yurub iyo Afrika ah.

Kulanka ayaa waxaa uu yimid kaddib markii uu Midowga Yurub si rasmi ah u shaaciyey in uu kun askeri u diri doono Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Inkastoo waddankaasi ay joogaan 6,000 oo ciidan ah oo ka socda Midowga Africa iyo 2000 oo ka socda Faransiis-ka, haddana rabshaduhu way sii socdaan.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa qaaddacay shirka kaddib markii xaaskiisa loo diiday fiisaha.

Waxyaabaha laga wadahadlayo waxaa sidoo kale ka mid ah ganacsiga Yurub iyo Afrika iyo arrimaha gargaarka.

Gargaarka ugu badan ee la siiyo Qaarada Afrika waxa uu ka yimaadaa Midwoga Yurub.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan