Weriyayaal lagu toogtay dalka Afghanistan

  • 4 Abriil 2014
Afghanistan Image copyright Getty Images
Image caption Afghanistan ayaa u diyaar garoobaysa doorashooyin madaxweyne

Labo weriye oo ajnebi ah ayaa lagu toogtay dalka Afghanistan maalin ka hor doorashada la filayo in dalkaas laga qabto.

Mid ka mid weriyayaasha ayaa dhintay halka kan kale uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Weriyayaasha ayaa la sheegayaa inuu toogtay nin xirnaa lebiska ciidanka boliiska ee dalka Afghanistan.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalo yar oo ku taallo xadka uu dalkaas la wadaago Pakistan.

Arrintan ayaa imaanayso iyadoo ammaanka dalkaas la adkeeyay doorashooyinka ka hor.

Madaxweynaha cusub ee la doorto waxaa uu baddeli doonaa Xaamid Karzai, oo talada dalkaas hayay tan iyo sanadkii 2001-da

Ku dhawaad 200,000 oo askari ayaa la geeyay qeybaha kala duwan ee dalkaas si ammaanka doorashada loo sugo.