Maraykanka oo ka fiirsanayo dhexdhexaadinata Bariga Dhexe

Kerry iyo Netanyahu Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Netanyahu iyo Kerry

Maraykanka ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu sii wadi doono iyo in kale dhexdhexaadinta Isra'iil iyo dadka reer Falastin.

Mar uu ka hadlayay magaalada Rabat ee caasimadda dalka Morocco, ayaa Kerry waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dib u eegid lagu sameeyo natiijooyinka laga gaaray wadahadalka.

Waxaa uu cambaareeyay Isra'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, oo uu sheegay inay qaateen tallaabooyin gooni gooni ah.

Isra'iil ayaa sheegtay inay ka noqotay sii daynta maxaabiis reer Falastiin ah oo horey loogu heshiiyay inay sii dayso.

Madaxweynaha Falastiiniyiintana ayaa isaguna saxiixay heshiis uu dalkiisa ku dalbanayo xubinnimada Qaramada Midoobay.

Isra'iil ayaa si weyn ugu soo horjeedda in Falastiiniyiintu dalbadaan xubinnimada Qaramada Midoobay.

Wadahadallada nabadda ee bariga dhexe ayaa billawday sanadkii tegay, balse waxaa haatan soo wajahay caqabado waaweyn.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan