Cabdirashiid Dahabshiil oo salaamaya Ra'iisul Wasaare David Cameron
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaalmarinta Muslimiinta Adduunka

Lahaanshaha sawirka Adam Szczepanski The Muslim News
Image caption Cabdirashiid Dahabshiil oo salaamaya Ra'iisul Wasaare David Cameron

Ra'iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa kala qayb galay Muslimiin ka badan 800 qof xaflad London ka dhacday, oo lagu abaalmariyo sanadkiiba muslimiinta guulaha waaweyn soo hoya ee Muslim News.

Sanadkan dadkii abaalmarinta la siiyay waxaa ka mid ahaa Mo Farah, orodyahan billadaha dahabka ah leh iyo dad kale oo muslimiin ah oo magac yeeshay.

Sanadkan, waxaa abaalgudkii muslimiinta la guddoonsiiyey Dr Farid Khan oo wax weyn ka qabtay caafimaaadka dalka Britain iyo kuwa dunida soo koraya.

Cabdirashiid Du'ale, maamulaha sare ee shirkadda Dahabshil, ayaa lagu sharfay in uu Dr Khan guddoonsiiyo abaalgudkii uu kasbaday.

Cabdirashiid, oo aan ku marti-qaadnay istuudiyaha BBC London, ayaa Cabdinuur Sheekh Maxamed uu waydiiyey see laguugu sharfay in aad abaalmarinta guddoonsiiyo Dhakhtar Khan.