Ukraine: Shirar iska soo hor jeeda

Ukraine Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Ruush ka iyo madaxda midowga Yurub

Wasiirada arimaha dibadda ee Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Athens maanta.

Waxaa la filaayaa in qalalaasaha Ukraine uu noqdo qodobka ugu ballaaran ee ay ka doodi doonaa.

Dhanka kale, dalalka Barwaaqa sooranka ee Ruush-ka taageerayo iyo Urur goboleed ka ay ku jiraan dalalkii Ruush-ka ka mid ahaan jiray xilligii midowgii Soviet-ka ayaa dhankooda ku shiraya magaalada Moscow.

Wasiirka arimaha dibadda ee Ruush-ka, Sergei Lavrov, ayaa la filaayaa inuu saxaafadda la hadlo kulanka Moscow ka dib.

Ukraine ayaa sheegtay inay ka bexeyso ururkan, taasoo jawaab ay uga dhigeyso qaadashada Ruush-ka ee gobolka Crimea.

Xiisadda gobolka Crimea ayaa weli kacsan iyadoo kumannaan ka mid ah ciidamada Ruush-ka ay iska buuxiyeen xuduudda Ukraine.