Badda hoose oo diyaaradda laga raadinayo

Image caption Mid ka mid ah maraakiibta raadineyso diyaaradda luntay

Kooxaha baarayaasha ee raadinayo diyaaradda la la’yahay ee laga leeyahay Malaysia ayaa badda hoosteeda u diray maraakiibta biyaha goosha.

Waxay sidoo kale isku deyayaan inay badweynta Hindiya ka raadiyaan qadadka lagula xiriiro diyaaradda maqan.

Maraakiibta dalka Australia ayaa dhammaad kii isbuucii aanu soo dhaafnay helay codad muhiim ahaa oo ka imaanayay badda hoosteeda.

Saraakiisha waxay ka digayaan inay aad hordhac u noqoto in qadadka la helay lagu xiriiriyo diyaaradda MH370.

14 markab iyo tiro lamid oo diyaarado ah ayaa kusugan waqooyiga galbeed ee badda ee magaalada Perth, si ay u helaan qof un oo kamid ahaa rakaabii diyaaradda oo badda ay soo saarto.

Balse, raadinta biyaha badda hoosteeda laga bilaabay ayaa caawinayo in la ogaado waxa ku dhacay diyaaradda muuqeeda la waayay bil kahor oo illaa iyo hadda aan la ogeyn meel ay ku dambeysay.

Markab ay leedahay dowladda Australia ayaa Sabtidii helay qadad muhiim ahaa, xiriiradaasi ayaa mar kale lawaayay subixii Axadda.

Qadadkaasi ayaa lagu tilmaamay inay muhiim yihiin, balse sanaadiiqda madow ee ku xiran diyaaradda soona gudbiya xiriirada ayaa laga yaabaa inuu beteriga ka dhamaado.