Xasuuqii Rwanda oo la xusayo

Rwanda Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waxaa la xusayaa 20 sano guuradii ka soo wareegtay xasuuqii Rwanda

Hoggaamiyayaasha caalamka ayaa ku soo xoomay magaalada madaxda dalka Rwanda ee Kigali si ay uga qayb galaan xuska xasuuqii dalkaas ka dhacay ee lagu dilay 800,000 oo ruux.

Xasuuqaasi waxaa uu socday muddo 100 maalmood ah.

Ugu yaraan toddobo madaxweyne iyo mas'uuliyiin kale oo rag iyo dumarba isugu jiro oo ka kala yimid caalamka intiisa kale ayaa soo gaaray magaaalada Kigali.

Hal ku dhigga xuskani ayaa ah "Kwibuka 20' oo ah luuqadda dalkani looga hadlo ee Kinyarwanda. Micna ahaan waxaa loola jeedaa xusuus, midnimo iyo dib u cusboonayn.

Mas'uuliyiinta kale ee ka soo qayb galay waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, ra'iisalwasaarihii hore ee Britain Tony Blair iyo madax kale.

Faransiiska oo ah dalkii gumeystay Rwanda ayaan ka qayb galaynin baroordiiqdani kaddib markii madaxweynaha Rwanda Paul Kigame uu dhawaan ku eedeeyay Faransiiska in uu lug ku lahaa xasuuqaasi.

Xasuuqaasi ayaa la soo afjaray kaddib markii ciidamada jabhaddii RPF ay qabsadeen woqooyiga dalka iyo magaalada Kigali bartamihii bishii July ee sanadkii 1994.

Rwanda oo maanta uu u billaabanaya usbuuc baroor diiq ayaa waxaa toosh olalaya si wada jir ah u shiday madaxweyne Kagame iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Tooshkaasi waxa uu shidnaan doonaa muddada100-ka maalmood ee soo socota kaddib markii dalka lagu soo wareejiyay laga billaabo 7-dii Janaayo 2014.

Garoonka waxaa buux dhaafiyay kummanaan qof oo oo aroortii hore safaf dhaadheer u galay sidii ay gudaha ugu soo gali lahaayeen garoonka.

Maalintii axadda ahayd, kummanaan qof ayaa isugu yimid kaniisadda Sainte-Famille Catholic church ee magaalada Kigali si ay u xusuustaan dadkii ku dhintay gudaha kaniisaddaasi iyo qaybaha kale ee dalka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan