Shaqaale Qaramada Midoobay oo lagu dilay Soomaaliya

Kay Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya Nicholas Kay

Nin u dhashay dalka Britain iyo nin kale oo ajnebi ah ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa lagu toogtay gudaha gegida diyaaradaha ee magaalada, sida uu sheegay mas'uul ka tirsan saraakiisha nabadsugidda

Ninka weerarka gaystay ayaa la sheegayaa inuu xirnaa lebiska ciidanka boliiska.

Labada nin waxay u shaqeynayeen Hay'adda Qaramada Midoobay ee la dagaallanka daroogada iyo dambiyada ee UNODC.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilka.

Waxaa uu sheegay in dilka noocaas uusan qiil lahayn, iyadoo dadkaas ay ka shaqeynayeen xasiloonida Soomaaliya.

Waxaa uu ku baaqay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilkaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa soo dhaweeyay dilka labada qof ee u shaqeynayay Qaramada Midoobay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan