Ukraine: Maraykanka oo u digay Ruushka

  • 8 Abriil 2014
Image copyright AP
Image caption John Kerry oo lahadlaya dhigiisa dalka Ruush-ka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay rabshadaha ka soo cosboonaaday bariga dalka Ukraine.

Xog-hayaha arimaha dibadda ee Mareykan-ka John Kerry ayaa dowladda Ruush-ka uga digay inay cawaaqib xumo yeelan doonto haddii ay qaaddo tallaabo ay ku carqaladeyneyso dalka Ukraine.

Waxaa uu Ruushka ku eedeeyay inuu ka dambeeyo qalalaasaha ka soo cusboonaaday bariga Ukraine.

NATO ayaa horey uga digtay in Ruushka uu galayo khalad taariikhi ah haddii uu faragelin dheeri ah uu ku sameeyo Ukraine.

Mr Kerry ayaa u sheegay dhigiisa dalka Ruush-ka Sergei Lavrov in qabsashada dhismayaasha maamulka dowladda ee sadax magaalo oo ku yaalla bariga Ukraine ay u muuqato arin aan laga fiirsan.

Waxa uu qiray in walaaca dadka Ukraine uu yahay in qabsashada ay tahay olole ay abaabuleen dad dowladda Ruushka.

Mr Kerry ayaa ku hanjabay in tallaabo kale oo Ruush-ka uu qaado ay yeelaneyso saameyn ah cunna qabateyn heer sare ah oo qeyb ka mid ah horey loo meelmariyay.

Afhayeenka waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegtay in labada dhinac (Ruush-ka iyo Mareynkan-ka) ay kawada hadleen qorshaha kullan ay yeelan doonaan10 ka maalin ee soo socda gudahooda oo dhex mara Ukraine, Ruush-ka, Mareykan-ka iyo midowga Yurub si loo demiyo xiisadda.

Ruushka ayaa isaguna ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhici karo dalka Ukraine haddii xoog lagu kala diro dibedbaxyada taageersan Ruushka ee ka socda bariga dalkaas.