WHO: Way adagtahay in laga hortago Ebola

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhaqaatiir ka shaqeyneyso cudurka Ebola

Ururka caafimaad ka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afrika uu yahay kii ugu adkaa ee ay ka shaqeeyaan.

In kabadan 100 qof ayaa hadda dhimatay, tirada ugu badan waxay ku geeriyootay dalka Guinea oo ah meesha uu cudurkan ka bilowday laba bilk a hor.

Cudurka Ebola waa halis, wuxuuna dilaa 25 illaa 90 boqolkiiba dadka uu ku dhoco. Dadlka galbeedka Afrika badan kooda ayaa xiray xuduudahooda, dadka halkaasi degan ayaa aad isugu gudbo.

Cudurka waxaa u dhintay 101 qof, 10 ka mid ah waxay ku dhinteen dalka Liberia, sida ay WHO sheegtay.

Waxaa sidoo kale jiro warar sheegayo in cudurka uu gaaray dalka Liberia. Hay’adda ayaa xaqiijisay inay bilo ka shaqeyneyso cudurka Ebola sidii looga hortagi lahaa.

Sidoo kale hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa tilmaamtay inay lahadlayaan hogaamiyayaasha qowmiyadaha koofurta Guinea.

Dadka halkaasi degan ayaa weerar ku qaaday Jimcihii xarun caafimaad oo oo laga guuray ee ku taalla duleedka magaalada Macenta, iyagoo hay’adda ku eedeeyay inay cudurka Ebola geysay deegaankooda.

MSF ayaa shaqadeedii xaruntaasi joojisay, waxayna ku wareejisay wasaaradda caafimaad ka.

Dowladda Maali ayaa sheegtay in sagaal qof laga shakiyay inay cudurka qabaan balse markii labaaray la ogaaday inaysan qabin.

Maamulka Sucuudi ga ayaa u diiday Visaha cumrada dadka Muslimiinta ee galbeed-ka Afrika gaar ahaan kuwa ka tagi lahaa dalalka Guinea and Liberia, taasoo ay sheegeen inay cudurka uga hortagayaan.